Xiisad ka taagan magalada Galkacyo gobolka Mudug

Image

28 November, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ka socota xiisad dagaal oo u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Galmudug, taaso billaabatay saka ka dib markii labada ciidan isu soo dhawaansho sameeyeen, suuq lagu magacaabo Darxumo.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararka aan helayno sheegayaan inay jiraan dhawac labada dhinac.

Dagaalka, ayaa hadda socda kantaroolka Koonfureed ee degmadaasi, iyadoo arrintani saamaysay goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isu socodka.

Cid ka hadashay xiisaddan ma jirto, waxayna ku soo beegantay xilli madax ka socota Federaalka Garowe u yimaadeen xal laga gaaro khilaafka taagan.

Iskudhaca labada maamul, ayaa ka dhashay waddo laami la saarayo taasi oo Puntland ka hirgalin lahayd xaafadda Garsoor.

Tan iyo markii 22 November, Galkacyo ka bilaabatay dagaalkan, waxaa magalada ka qaxayay dadka shacabka, waxgarad iyo ganacsato labada dhinac ah ayaana degmada ka waday wadahadal nabadeed kaasoo bur-buray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM