Xildhibaan ka hadlay hubka Puntland ku eedaysay Federaalka

Image

01 December, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka mida mudanayaasha Barlamanka Somalia, kuna sugan magalada Galkacyo ayaa ka hadlay hubka Puntland ku eedaysay Federalka inay ku taageertay maamulka Galmudug.

Barre ayaa tilmaamay inuu arrinkaasi xaqiiqo yahay, balse loo ballamay inaan waqtigan laga hadlin maadama jiraan dad ku dhibaataysan meelaha Galkacyo ka baxsan kuwaasi oo ku barakacy xaaladda ka taagan degmadaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay inaan hubkaasi loo keeni si waadax ah, laakiin qaab qarsoodi ah lagu soo gudbiyay, wuxuuna tibaaxay in la soo bandhigi doono cadaymaha loo hayo.

Hadalka Xildhibaanka, ayaa imaanaya xilli maamulka Puntland sheegtay in dowladda Federalka hubaynayso Galmudug ka dib dagaalo dhacay 22 iyo 28 bishan November.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM