Mudane cusub oo loo dhaariyey baarlamaanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Mudane cusub oo kamid noqonaya Golaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu dhaariyey fadhi baarlamaanka ku yeeshay xaruntiisa magaalada caasimada ah ee Garowe.

Cabdicasiis Axmed Saalad oo 51-sano jir ah maadaama uu goluhu u sheegay in uu dhashay sanadkii 1970-dii ayaa wuxuu bedelayaa walaalkii Cali Axmed Salaad [Cali Dhahar] oo 6-dii Maarso, 2021 ku geeriyoodey shil gaari.

Shilkaas gaari ayaa la sheegay in uu ka dhacay tuuladda Midigaale oo 40 KM u jirta degmada Badhan. Marxuumka wuxuu kusii jeeday ka qeybgalka duugta hooyadii oo qudheeda dhimatay maalintaas.

Hadaljeedin uu ka sameeyay golaha kahor inta aan la dhaarin, Cabdicasiis oo in badan ku dhexjiray xirfada macalinimadda soona qaatay tababaro la xiriira mihnadaas ayaa sheegay in uu ku dhashay Laas-qoray, gobolka Sool.

Golaha degaanka degmada Baran ayuu sidoo kale xusay in uu qeyb ka ahaa. Maamulaha dugsiyada Al-Furqaan ee Baran ayuu soo noqdey. Guddiga fulinta ee Jamciyada qariga ah ee Salaam ayuu sidoo kale xubin ka ahaa.

Laba iyo tobban caruur ah ayuu tibaaxay in ay u joogta kuwaasoo lix kamid ah way wiilal yihiin lixda kalan gabdho. 2006-2010 ayuu kuliyadda Cilmiga Bulshadda ka bartay Jaamacad ku taala dalka colaaduhu la dageen ee Yemen.

Sharci-dejiyaha cusub ayaa sidoo kale wuxuu haatan buuxinayaan boos uu walaalkii Cali Dhahar ka geeriyoodey oo ahaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada isla markaana uu si wada ogol ah isugu raaceen mudaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM