​Xildhibaan dhawaan ku geeriyooday Garowe oo aas-qaran loo sameeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Mudane kamid ahaa Xildhibaanada Aqalka hoose Barlamanka Federaalka Somalia, oo dhawaan ku geeriyooday caasumadda Puntland, ayaa maanta loo sameeyay aas-qaran, waxaaana lagu aasay Garowe.

Duugta oo ka dhacday dhinaca Waqooyi ee magaalada, ayaa waxa ka qayb galay madaxda Puntland, Madaxweynihii hore Puntland, XildhibaanO katirsan Barlamanka Somalia, kuwa golaha shacabka Puntland, Wasiirro, guddiga doorashooyinka dadban, mas'uuliyiin iyo dadweyne kale.

Labo rakcadood oo saaladda Jaanasada ah, ayaa marxuumka lagu tukaday, waxaana ALLE loo weydiiyay inuu u dambi dhaafo.

Madaxdii aas-ka ka qayb gashay, ayaa dirtay tacsi tiiraanyo leh, waxayna EEBBE uga baryeen inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelka iyo umadda uu ka baxayna samir iimaan ka siiyo.

"Inaalilaahi wa inaa illayhi raajucuun waxaan halka isugu nimi aaska marxuun Daahir Xaaji Geelle oo runtii ahaa xildhibaan Dawladda fadaraalka  u meteli jirey Puntland in mudo ah aadna loo yaqaaney wanaagiisa, anaguna si dhaw ayaanu isugu dhoweyn oo aanu saaxiib u ahayn, wuxuu ahaa wasiir kamida golahaygii xukuumadda markii aan ahaa Ra'iisul wasaaraha Soomaliya, Illaahay ha'u naxariisto illahay meel uga wanaagsan ifka hageeyo, waxaana Illahay uga rajaynaynaa in uu udenbi dhaafo una naxariisto, sigaara waxaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey iyo dhamaan u mada soomaaliyeed gaar ahaan Puntland,'' Ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. 

Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, ayaa dhawaan kusoo baxay doorasho ka dhacday magaalada Garowe, wuxuuna soo noqday Xildhibaan Federaalka ah doorashadan ka hor.

GAROWEONLNE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM