Xildhibaan qiray sii deyntii sarkaal Al-shabab ka tirsan

Image

December 16,2014 (GO)- Maalin kadib markii lasii daayey Cabdirasaaq Tahliil oo ah sarkaal ka tirsan Al-shabaab kaasoo sanad kahor ciidamada ammaanku qabteen ayaa waxaa arintaas qiray Xildhibaan Maxamuud Faarax Warsame oo ka tirsan Barlamanka Puntland.

Xildhibaanka oo isagu qayb ka ahaa xubnihii goob jooga ahaa goobtii ninkaas lagu wareejiyey ayaa waraysi gaar ah oo Radio Sahan uu siiyey ku faah faahiyey qaabkii lagu sii daayey.

Wuxuu sheegay in ujeedada koowaad ee Tahliil  loo sii daayey ahayd sidii loo soo furan lahaa saddex nin oo kasoo jeeda Puntland, kuwaasoo ay afduubteen mileeshiyo ninkaas isku hayb yihiin.

Dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole ayaa diidey sii daynta Cabdirisaaq Tahliil oo isagu ahaa madaxa saadka kooxda Al-shabab ee gobollada dhexe,  maadaama tallaabadaasi horseedi doonto in maxaabiista Shabaabka ah madax furasho lagu sii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM