Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland oo lagu aasay Turkiga

Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey – Marxuum Daa'uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ee hadda fadhiya ayaa Aas Qaran waxaa loogu sameeyay caasimadda wadanka Turkiga ee Ankara.

Duugta iyo salaada Janaazada waxaa ka qeybgalay Madax ka soctay Safaarada Soomaaliya ee Turkiga, wasiiro, Xildhibaan hore oo isugu jira Puntland iyo federaalka, waxgarad, ehelkiisa iyo dhallinyaro.

Muuse oo la sheegay in uu xanuunsanaa bilooyinkii u dambeeyay ayaa Ankara ku dhintay 26-kii bishaan August, sanadkan 2020-ka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyay geerida sharci-dejiyaha ayaa ugu duceeyay in uu Eebe u waasiciyo qabrigiisa.

"Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle "SWC" uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladiisii," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo maalinta uu dhintay kasoo baxday Madaxtooyada.

Mas'uuliyiin ay ku jiraan saaxiibadiis ay kala tirsanaa baarlamaanka oo murugada la wadaagay qoyskiisa kuna qeexay n uu ahaa shaqsi fiicanayaa u rajeeyay bedel wanaagsan iyoo naxariista EBBE.

Bishii Febraayo 21-keeda, 2020 ayay ahayd markii uu u dhintay Maxamed Faarax Mire oo kamid ahaa sharci-dejiyeyaasha hadda jooga ee Puntland, taasoo ka dhigan in Muuse yahay Xildhibaankii labaad.

Alle ha u awada raxmadee, labada mudane oo laga soo doortey gobolka Bari ayaa ifka kaga tegay xaasas iyo caruur. Muuse wuxuu geeriyooday maalmo kadib markii uu Turkiga u tegay xaalado caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM