Xildhibaan ka tirsanaa Gollaha Wakiilada Puntland oo shil ku dhintay

Image

GAROWE, Puntland - Alle ha u naxriistee, Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlada Puntland oo lagu magacaabayey Maxamed Faarax Mire ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Bari.

Sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin, mudanaha oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa kasoo baxay magaaladda Boosaaso isaga oo kusoo wajahnaa degmada Waaciye.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qof kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Sahal oo ahaa wiil dhalinyaro ah kaasi oo marxuum Maxamed la saarnaa gaariga uu ku isna ku dhintay shilka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in gaariga Xildhibaanka oo nooca raaxada ahaa uu dul-maray mid kale oo xamuul ah oo kusii jeeday dhinaca xarunta ganacsiga Puntland.

"Shilka oo ka dhacay wadada isku xirta Boosaaso iyo degmada Waaciye ayaa yimid markii gaari xamuul oo xawaare sare ku socday uu dul-maray midka ay wateen Xildhibaanka iyo ruuxa kale," ayuu yiri Goobjoogaha.

Maxamed oo noqonaya mudanihii ugu horeeyay ee ka tirsan Gollaha Wakiilada cusub ee Baarlamaanka dowlada Puntland kaasi oo ay geeri ku timaado ayaa la filayaa in la aaso berri oo Khamiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM