​Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Mudane katirsan Barlamanka Federaalka Somalia, balse aan wali xilkaas loo dhaarin ayaa xalay ku geeriyooday magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, ayaa dhawaan kusoo baxay kursi kamid ah kuwa Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia, ee ka imaanaya dhinaca Puntland.

Wararka ku saabsan geerida marxuumka, ayaa sheegaya inuu wadnuhu istaagay, isagoo mayd ahna loogu tagay qolka uu ka tagaanaa hotel ku yaalla magaalada Garowe.

Balse, geeridiisa ka hor dad la joogay, ayaa sheegay in marxuumku uu ka cabanayay xanuun dhinaca wadnaha ah.

Daahir Xaaji Geelle, ayaa muddo kamid ahaa Baarlamaanka Somalia, wuxuuna mar kale helay kalsoonida Ergada beeshiisa [Dubays].

Xubno kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee dhawaan lagu doortay Garowe, ayaa marxuumka tacsi u diray, waxayna sheegeen in EEBBE naxariistiisa ka waraabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM