Xildhibaan Nuux Dheere oo Barlamanka Puntland ku eedeeyey qabyaalad [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland- Kulan magalaada Garowe uu ku qabtey Maxamad Farax Nuur (Nuur Dheere) kaasoo ay goob joog ahaayeen qaar ka tirsan mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Gaas ayaa waxa uu kaga hadlay hadalo xasaasi ah oo kicin ah kuwasoo ku aadanaa qorshahii kordhinta tirada Barlamanka Puntland isagoo ku  eedeyey fashilkii ku yimid qaar ka tirsan beelaha daga maamulkaas, xildhibaanada golaha shacabka iyo siyaasiyiin.

Xildhibaanka oo ka hadlaya kulankaas ayaa sheegey in Barlamanka Puntland 61 kamid ah tahay beelaha Hartl si qabyaaladeysan u diideen qorshahii la damacsanaa in lagu kordhiyo tirada xildhibaanada Barlamanka Puntland.

"Waligeed ma dhicin Barlamanka Puntland in waraaqo ku saxiixo suuqa isagoo jifi iyo reer, reer u soo kala saxiixaya, waxaa dhacdey qayladii Cali Khaliif bilaabey iney Garowe ka bilaabatey, Bossaso ka bilaabatey, Galkacayo ka bilaabato." Ayuu yiri Nuux Dheere isagoo hadal u jeedinaya dad kala duwan kuwasoo uu ka dhex muuqdey wasiirka howlaha guud ee dowlada Puntland.

Qorshaha la damacsanaa in lagu kordhiyo tirada Barlamanka Puntland ayaa waxaa dabada ka riixayey xildhibaan Nuux Dheere oo isagu raadinayey Inuu markale isu soo taago xubinimada aqalka golaha shacabka Puntland.

Nuux Dheere oo kamid ahaa10 sano Barlamanka Puntland ayaa noqdey xildhibanaka ugu musuqmaasuqa badan isagoo madax ka ahaa guddiga dhaqalaha aqalka shacabka maamulkaas.

Barlamanka Puntland ayaa weli ka hadlin eedeynta Nuux Dheere u soo jeediyey iyo xafgudubka uu ku sameeyey xeer hoosaadyada golaha shacabka.

Halkaan ka DAAWO video kooban ee xildhibaan Nuux Dheere hadalka ka jeedinayo kulan ka dhacey Garowe 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM