​Xildhibaan soo bandhigay cadaymo ku aadan lacag Puntland ka heshay Federaalka [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Mudane katirsan Barlamanka Puntland, ayaa faah faahin ka bixiyay lacag Puntland ka heshay dowladda Federaalka oo madaxweyne Gaas ku inkiray furitaankii Kalfadhiga 38aad ee Barlamanka.

Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane, oo waraysi gaar ah siiyay Telefishinka SBC, ayaa sheegay in Puntland dowladda dhexe ka heshay lacag cadadkeedu dhanyahay [Saddex Malyan, Labo Boqol iyo Konton doollar], taasoo qayb ka ahayd lacag dhan 20 Malyan oo 10 kamid ah loo qaybiyay maamullada dalka ka jira.

Kulane, ayaa xusay in lacagtaas uu waydiiyay wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Madaxweyne Gaas, markii uu helay buug lagu muujiyay sida loo qaybiyay deeqdaas, balse loogu jawaabay inaan laga warqabin.

Wuxuu codsaday in la cadeeyo lacagtaas oo faah faahin laga siiyo in Puntland qaadatay iyo in dowladda Federaalku ku been abuuratay.

Arrinta, ayaa timid xilli dhawan madaxweyne Gaas kalfadhiga Barlamanka lagu weydiiyay halka ay ku baxaan deeqaha laga helo Federaalka, taasoo aan lagu darin miisaaniyadda loo soo gudbiyo, wuxuuna sheegay in madaxtooyadu isticmaasho cadad yar oo kamid ah kharashaadkii loogu talo galay.

Lacagtan dooda dhalisay, ayaa xukuumadda Federaalku ka heshay waddanka Sucuudiga kadib markii ay xiriirka u jareen waddanka Iran, iyadoo ahayd mid lagu abaal mariyay dowladda Somalia, waxaana loo qaybiyay maamullada dalka ka jira, kuwaasoo kala aha; Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halka qayb kamid ah lagu dhisay maamulka Hir-Shabeelle.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada lacagtaas khusayso ee Puntland iyo dowladda Federaalka.

Dalka Somalia, ayaa safka hore kaga jira dalalka caalamka ugu musuq-maasuqa badan iyadoo madaxda dalkaan si aan gabasho laheyn ugu takri falaan hantida dadweynaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM