Xildhibaan: TPEC kuma shaqeyn dastuurka Puntland

Image
Shaqadda guddigu ayuu xusay in ay kusoo koobantay sidii dhaqaale loogu heli lahaa saad iyo sanduukhyada cod-bixinta.

GAROWE, Puntland – Doorashadii guddiga ku meelgaarka ah uu dhowaan ka qabtey saddex kamid ah degmooyinka maamulka Puntland ayaa waxay ahaayeen sharci darro, sida uu shaaciyey Xildhibaan sarre oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedkan.

Mohamed Ismail Mohamed [Siibed] oo maanta ka hadlay fadhi uu maanta golaha wakiiladda ku yeeshay magaalada Garowe ayaa ku eedeeyay guddigu qabtey nidaam doorasho oo ka fog habka dastuurka jideeyay.

"Waxaa boogaadin mudan in Guddiga Doorashadu, farsama ahaan, ay geedisocodka dimoqaraadiyaynta gaarsiiyeen meel aysan horay u gaarin. Haseyeeshee, waxaan ka xumahay in aan jaalkayga golaha u sheego in ilaa iyo hadda shaqada Guddigu qabtay ay ka fog tahay nidaam waafaqsan doorashada Dastuurku jideeyay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Dastuurka Pl wuxuu ku talagalay nidaam miisaaman oo qof kasta oo ah xildhibaan degmo ama gobol codkiisu uu la miisaan noqdo codka jaalkiisa dhinac fadhiya kuna salaysan tirada dadweynaha uu wakiilka ka yahay. Nasiibdarro, Guddigu jihadaasba ma qaadin, taas oo sharci darro ka dhigaysa illaa iyo hadda shaqada ay wadaan".

"Guddiga Doorashadu inkastoo ay ku dhaarteen in ay ku dhaqmaan Dastuurka Puntland haddana ma aysan hirgelin qodobada salka u ah geedi socodka nidaamka xisbiyada badan ee Dastuurku faray. Guddigu waxay howshooda ku soo koobeen farsamo ku eg sidii dhaqaale loogu heli lahaa saad iyo sanduukhyo lagu cod bixiyo," ayuu kusoo xiray.

Sharci-dejiyahan ayaa ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mustaqbal oo xubin ka ah Madasha Ururada Siyaasadda Puntland kuwaasoo dhowaan naqdiyey natiijadda doorashadda kuna baaqay in beesha caalamka ay soo farageliso si is-faham looga gaaro dooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM