Xildhibaan u sharaxan Gudoomiyaha Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Maxamed Axmed Ibrahim oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa galabta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, ka dib is-casilaadii Siciid Xasan Shire.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanku inay arrintaasi ku kaliftay ka dib markii ay u muuqatay inuu ka soo bixi karo howlaha Barlamanka isagoo kaashanaya khibaradiisa aqooneed.

Maxamed Axmed oo tilmaamay inuu yahay musharaxii ugu horeeyay ee jagadan isu taaga, ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Puntland, inay ku taageeraan codkooda.

Shacabka Puntland ayuu ku amaanay kalinta ka gaystaan nabadda iyo xasiloonida waddanka, isagoo ugu baaqay inay ilaashadaan.

Xildhibaanka Maxamed Axmed Ibrahim oo ku 1983-dii ku dhashay gobolka Nugal ayaa wax ku soo bartay dalka iyo dibadiisa sida uu ku sheegay.

Waxaa  jira murashixiin gaaraya tobaneeye, kuwaasi oo la sheegay inay u taaganyihiin jagada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM