Xildhibaan Xasan Xaange oo maanta is casiley

Image

November 10, 2014 (GO)- Xildhibaan Xasan Xaage Maxamed oo muddo lix sano ah kusoo jirey Baarlamaanka Puntland ayaa maanta golaha hortiisa ka shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Xildhibaanku wuxuu is casilaadiisa u sababeeyey arimo caafimaad iyadoo markii dambena cod gacan taag ah loo qaaday in baarlamaanku  is casilaadiisa aqbalay iyo in kale.

Sida qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanku GO u sheegeen, waxay dhammaan xildhibaanadii fadhiga maanta soo xaadiray aqbaleen istiqaalada uu keenay Xasan Xaange marka laga reebo hal xildhibaan oo ka aamusay.

Warar madax banaan oo GO heshay ayaa tibaaxaya in Xildhibaan Xasan Xaange ka tanaasuley xubinimadiisa baarlamaanka, kadib markii uu ka warhelay mooshin isaga ka dhan oo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanku todobaadyadii u dambeeyey wadeen iyo weliba dacwad loo gudbiyey xeer ilaalinta maxkamadda sare.

Xildhibaanada mooshinkaas soo abaabulay ayaa ku doodaya in Xasan Xaange mudneyn inuu Golaha Wakiillada Putland kasii mid ahaado, maadaama sida ay sheegeen uu ku xadgudbay xurmada diinta Islaamka.

Bishii August ee lasoo dhaafay dabayaaqadeedii waxaa Xildhibaan Xaange lagu soo eedeeyey inuu diinta caayey kadib markii xarunta baarlamaanka dhexdeeda isaga iyo xildhibaan kale isku maan dhaafeen.

Maalin kadib markii warkaasi soo baxay oo ku beegnayd [Jimce, August 29, 2014] masaajida magaalada Garowe qaarkood ayaa khudbada Jimcaha kusoo qaatay eedeynta loosoo jeediyey xildhibaanka.

Xaange oo shir-jaraa'id qabtay [Sabti, August 30, 2014] wuxuu gebi ahaanba iska fogeeyey eedeynta loosoo jeediyey isagoo sheegay inay tahay mu'aamarad isaga ka dhan ah oo dabada ka riixayaan shaqsiyaad cadaawad gaar ah u haya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka is casilay oo lixdii sano ee ugu dambeeyey kamid ahaa Golaha Baarlamaanka Puntland wuxuu baarlamaanka kasoo galay gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM