Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la dhaariyay iyo Gudoon KMG oo la doortay

Image
Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada cusub ee Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah lagu dhaariyay magaalada Garowe, iyagoo isla maanta doortay Gudoon cusub oo KMG ah.

Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday Hoolka xarunta Baarlamanka waxaana halkaasi ay Xildhibaanada guddoomiye ku meel-gaar ah u doorteen Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ah ninka ugu da’da weyn inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah.

Xildhibaanada cusub ayaa ka kooban 65 rag ah iyo hal dumar ah iyadoona ay noqonayaan xildhibaanada ugu tirada dumarka yaraa ee Puntland ay yeelato tan iyo markii la aas-aasay Puntland 1998.

Nimco Cabdi Aarshe, ayaa ah gabadha kaliya ee kamidka noqotay Baarlamanka 5aad ee Puntland.

Mas'uuliyiin kala duwan oo goobta hadallo ka jeediyay ayaa si adag uga digay Xildhibaanada in lacago laaluush ah ku shaqeeyaan, islamarkaana ay qiyaanaan mustaqbalka umadda ee lagu aaminay.

Qeybo badan oo kamid ah haweenka Puntland ayaa saluugay qaabka lagu soo doortay Xildhibaanada, maadama hal xubin oo dumar ah ay kasoo muuqatay liiska, oo xalay ku dhawaaqay Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Gollaha Wakiiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM