Xildhibaannada golaha deegaanka Garowe oo la dhaariyey

Image

August 18, 2015 (GO)- Xildhibaannada cusub ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa maanta lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Munaasabadda dhaarinta waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tisran golaha wasiirrada Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa guddiga ay dowladdu u saartey soo xulista xildhibaannada golaha deegaanka Garowe.

Tirada guud ee xubnaha golaha ayaa ah 27 xubnood, haseyeeshee waxaa maanta la dhaariyey 26 kamid ah.

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Garowe ayaa lagu wadaa in ay qabsoomto asbuuca soo socda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM