Xildhibaanadii mooshinka keeney oo saxaafada la hadley [Dhageyso]

Image

May 13, 2015 (GO)- Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland oo dalbadey kal-fadhi deg deg ah ayaa galabta  shir-jaraaid ku qabtey Garowe.

Shirkaas -jaraa'id waxay ka sheegeen inay warqadda ay ku dalbanayaan kulanka deg dega ah ku wareejiyeen guddoonka barlamaanka, sidaas darteedna ay filayaan in iyadoo la tixgelinayo dastuurka si dhaqso ah balrmaanku isugu yimaado.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa mar kale waxay ku celiyeen sababaha ku kallifaya in xilligan barlamaanka laysugu yeero maadama waqtigii uu furmi lahaa kal-fadhiga 35aad muddo koobani ka harsan tahay, waxayna sheegeen inay muhiim tahay in laga wada tashado xaaladaha ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda Puntland, oo sida ay ku doodayaan xilligan meel xun maraya.

Wararka madaxa bannaan ee warbaahintu heleyso ayaa sheegaya in xildhibaannadani qorsheynayaan mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Marka  la eego xeer hoosaadka barlamaanka Puntland, waxaa kal-fadhi deg deg ah dalban kara 17 xildhibaan, kalfadhigu haddii uu qabsoomo waxaa uu ku furmi karaa 44 xildhibaan, balse xildhibaanku kuma khasbana inuu xaadiro kalfadhiga aan caadiga ahayn.

Sidoo kale,  waxaa mooshin keeni kara lix ‎xildhibaan‬ waxaana laga doodi karaa marka ay 22 xildhibaan aqbalaan, kooramkuna waxaa uu ku buuxsami karaa 44 xildhibaan.

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA'ID EE XILDHIBAANADA PUNTLAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM