Xildhibaanadii mooshinka keeney oo saxaafada la hadley [Dhageyso]

Image

May 13, 2015 (GO)- Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland oo dalbadey kal-fadhi deg deg ah ayaa galabta  shir-jaraaid ku qabtey Garowe.

Shirkaas -jaraa'id waxay ka sheegeen inay warqadda ay ku dalbanayaan kulanka deg dega ah ku wareejiyeen guddoonka barlamaanka, sidaas darteedna ay filayaan in iyadoo la tixgelinayo dastuurka si dhaqso ah balrmaanku isugu yimaado.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa mar kale waxay ku celiyeen sababaha ku kallifaya in xilligan barlamaanka laysugu yeero maadama waqtigii uu furmi lahaa kal-fadhiga 35aad muddo koobani ka harsan tahay, waxayna sheegeen inay muhiim tahay in laga wada tashado xaaladaha ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda Puntland, oo sida ay ku doodayaan xilligan meel xun maraya.

Wararka madaxa bannaan ee warbaahintu heleyso ayaa sheegaya in xildhibaannadani qorsheynayaan mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Marka  la eego xeer hoosaadka barlamaanka Puntland, waxaa kal-fadhi deg deg ah dalban kara 17 xildhibaan, kalfadhigu haddii uu qabsoomo waxaa uu ku furmi karaa 44 xildhibaan, balse xildhibaanku kuma khasbana inuu xaadiro kalfadhiga aan caadiga ahayn.

Sidoo kale,  waxaa mooshin keeni kara lix ‎xildhibaan‬ waxaana laga doodi karaa marka ay 22 xildhibaan aqbalaan, kooramkuna waxaa uu ku buuxsami karaa 44 xildhibaan.

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA'ID EE XILDHIBAANADA PUNTLAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM