Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo raadinaya in la kordhiyo tirada golaha wakiilada Puntland

Image

GAROWE- Warar warsidaha Garowe online ka heley ilo lagu kalsoon yahay ee ku sugan magalaada Muqdishu ayaa sheegaya in xildhibaano kaga jira   Barlamanka Federalka Somalia Puntland qorsheynayaan iney booqasho ku yimaadaan Puntland  kuwasoo u ololeynaya sidii loo kordhin lahaa tirada aqalka wakiilada ee maamulkaas.

Xildhibanadaan oo abaabulkaan ka wadey asbuucyadii lasoo dhaafey magalaada Muqdishu ayaa wararku waxa ay sheegayaan in olole ay ugu jireen sidii qaar Beelaha xubnaha ay ku leeyihiin aqalka wakiilada Puntland loo kordhin lahaa tiradooda iyadoo wararku sheegayaan in arinkaas tageero iyo balanqaad uga haystaan gudoomiyaha Barlamanka Puntland iyo  xildhibaano ka tirsan golaha shacabka mamaulkas.

Madaxweynaha Puntland oo xildhibaanadaan ay kulan kula qaateen magalaada Muqdishu bishii lasoo dhaafey ayaa wararku sheegayaan iney arinakaan kordhinta kala hadleen kuwasoo diidmo iyo ogolaansho midna aan kala kulmin.

Lama oga sababta kaliftey in xildhibaanadaan  raadiyaan kororsiimo lagu sameeyo tirada aqalka wakiilada Puntland xilli Doorashada Madaxweyne-nimo ee maamulkaas ka hartey muddo ka yar Labo sano.

Barlamanka Puntland oo tiradiisu tahay 66 xubnood ayaa u qaybsan beelaha kala daga gobolada maamulkaas hoos yimaada iyadoo ah qodob kamid ah Dastuurka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa  Sadex sano kadib  markii loo doortey xilka uu hayo kulan uu ku qabtey Garowe dhowaan ka sheegey in shacabka Puntland ay furan karaan xisbiyo siyasadeed kuwasoo la rabo in lagaga gudbo nidaamka Doorashada qabiilka ee uu ku dhisan yahay aqalka Barlamanka maamulkaas.

Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ayaa noqdey mid hirgali waayey kadib markii sanadkii 2013 ka horyimadeen siyaasiyiin tageersan in nidaamka qabaliga ah noqdo midka Kaliyah ee wax lagu doorto kaasoo dib u dhac ku sameeyey hurumarkii maamulkaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM