Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo raadinaya in la kordhiyo tirada golaha wakiilada Puntland

Image

GAROWE- Warar warsidaha Garowe online ka heley ilo lagu kalsoon yahay ee ku sugan magalaada Muqdishu ayaa sheegaya in xildhibaano kaga jira   Barlamanka Federalka Somalia Puntland qorsheynayaan iney booqasho ku yimaadaan Puntland  kuwasoo u ololeynaya sidii loo kordhin lahaa tirada aqalka wakiilada ee maamulkaas.

Xildhibanadaan oo abaabulkaan ka wadey asbuucyadii lasoo dhaafey magalaada Muqdishu ayaa wararku waxa ay sheegayaan in olole ay ugu jireen sidii qaar Beelaha xubnaha ay ku leeyihiin aqalka wakiilada Puntland loo kordhin lahaa tiradooda iyadoo wararku sheegayaan in arinkaas tageero iyo balanqaad uga haystaan gudoomiyaha Barlamanka Puntland iyo  xildhibaano ka tirsan golaha shacabka mamaulkas.

Madaxweynaha Puntland oo xildhibaanadaan ay kulan kula qaateen magalaada Muqdishu bishii lasoo dhaafey ayaa wararku sheegayaan iney arinakaan kordhinta kala hadleen kuwasoo diidmo iyo ogolaansho midna aan kala kulmin.

Lama oga sababta kaliftey in xildhibaanadaan  raadiyaan kororsiimo lagu sameeyo tirada aqalka wakiilada Puntland xilli Doorashada Madaxweyne-nimo ee maamulkaas ka hartey muddo ka yar Labo sano.

Barlamanka Puntland oo tiradiisu tahay 66 xubnood ayaa u qaybsan beelaha kala daga gobolada maamulkaas hoos yimaada iyadoo ah qodob kamid ah Dastuurka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa  Sadex sano kadib  markii loo doortey xilka uu hayo kulan uu ku qabtey Garowe dhowaan ka sheegey in shacabka Puntland ay furan karaan xisbiyo siyasadeed kuwasoo la rabo in lagaga gudbo nidaamka Doorashada qabiilka ee uu ku dhisan yahay aqalka Barlamanka maamulkaas.

Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ayaa noqdey mid hirgali waayey kadib markii sanadkii 2013 ka horyimadeen siyaasiyiin tageersan in nidaamka qabaliga ah noqdo midka Kaliyah ee wax lagu doorto kaasoo dib u dhac ku sameeyey hurumarkii maamulkaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM