Xiligga la bilaabayo dayactirka wadada isku xirta Garowe iyo Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta ah kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC.

Maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Africa, Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti, Mr Nui Zengxiang ayaa hogaaminayey Wafdiga.

Is-aragga ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Shirkan ayaa looga hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkadda CCECC ka waddo Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa waxaaa lagu fahfaahiyey dulucda kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay masuuliyiinta shirkadda CCECC.

"Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland".

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee degaanadda maamulkan, waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa qodobada ay kamid yihiin;

...dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda

"Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC".

Dhinacyadda ayaa sidoo kale waxay xaqiijiyeen in dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso la bilaabi doono bisha soo socota ee November 2019.

"...waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee kasoo baxay Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM