Xilliga maxkamad la horgeynayo kiiska Caasha Ilyaas oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland – Dadka loo hayo kiiska Caasha Ilyaas Aadan ee kufsiga iyo dilka isugu jiray waxaa maxkamad la horgayn doonaa todobaadka soo aadan, sidda ay ku dhawaaqday dowladda Puntland.

Aamina Cusmaan Xaaji Jaamac, Wasiirka Haweenka xukuumada Deni oo shaacisay in "dowlada ay mowqif adag ka taagan tahay arrinkaan" ayaa meesha ka saartay in gal-dacwadeedka la gacan-bidaxeeyay.

"Dowladda kiiska Caasha gacan bir ah ayey ku qabatay … waxayna u xilsaartay Guddi farsamo oo ka kooban hay'addihii ay u quseysay … Mowqifka dowlada waa midka ka adag kan la isla dhex-marayo," ayay tiri.

Sidda laga soo xigtay hay’addaha amaanka, illaa iyo saddex ruux ayaa kiiskaan loo hayaan, wallow qoyska ay kasoo jeedo dhibane Caasha Ilyaas ay ka cabanayaa in la is-dabamariyey hanaanka baaritaanka.

Wasiir Aamina ayaa ku nuux-nuux satay in ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo ay ku cadaato in ay geystay falka foosha xun ee faroxumeynta iyo khaarijinta ee lagula kacay Inantaasi 12-sano jirka ahayd.

"Go’aanka dowladdu waa in dhib-geystihii uu helo ciqaabtii uu muteystay … marna dowladda raali kama noqoneyso in dhib loo geysto nafta iyo sharafta caruurta reer Puntland," ayay xustay wasiirada.

Inta badan kiiska la xiriira kufsiga ee ka dhaca degaanada Puntland waxaa la sheegaa in aaney loo qaadin cadaalad marsiintooda qaab sax ah, hasayeeshee wasiir Aamina ayaa shaacisay in taariikh cusub ay qormi doonto.

"Isbuuca soo socda waxaa dhici doonta hadii uu ALLE raali ka noqdo waxyaabo badan oo reer Puntland ay ku farxaan, ayna uga gam'aan dhibaatooyinkii baraha bulshada lagu hadalhayey," ayay daba dhigtay.

Ugu dambeyntii, wasiir Aamina ayaa cod dheer ku sheegtay in xukuumada Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii Gabdha iyo Caruurta reer Puntland u heli lahaayeen xuquuqdooda.

"Wax qabadka ama waxyaabaha ay dowlada Puntland mudnaanta siineyso waxaa kamid ah in aysan dhicin waxyaabihii ina soo maray ee gabdheena iyo haweenkeena ay la kulmeen," ayay hadalkeeda kusoo xirtay.

Hadalkaan ayay wasiir Aamina ka sheegta xuska sanad guuradii 100-aad ee aas-aaska Save The Children oo qabtay magaaladda Garowe, xarun goboleedka Nugaal, ahna caasimada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM