Xiriirka kubadda Kolayga Puntland oo la shaaciyay

Image

08 Octobar, 2015(GO)-Shir jara'id oo maanta ku qabtay Garowe Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayuu ku shaaciyay 7 xubnood oo loo magacaabay xiriirka kubadda kolayga Puntland.

Tigaana ayaa sheegay in xubnahaasi lagu magacaabay waraaq ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland.

Xubnahan ayuu sheegay in ka qayb qaadan doonaan sidii loo hormarin lahaa kubadda Kolayga Puntland, waxaana maamulka gobolada ee dhanka ciyaaraha ka codsaday inay soo xulaan cayaaryahanadii matali lahaa gobol walba.

Magacaabista ayuu sheegay Agaasimuhu in wadatashi laga yeeshay, waxaana uu xusay in dhawaan la qaban doono ciyaaraha heerka koowaad ee Puntland.

Waxa uu soo hadal qaaday qabashada koobka Goboladda Puntland,waloow uusan xusin xilliga la qaban doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM