Xisbiyada Puntland oo is-faham ka gaarey doorashada saddexda degmo

Image
Doorashooyinkan ayaa waxa ay ka qabsoomayaan degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Deni ayaa kulankan waxaa ku wehliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo qaar kamid ah mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024. 

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM