XOG: Askar ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo lagu tuhmey dilka Sarkaal Gabi-gabi

Image

GAROWE (GO)- Baaris warsidaha GO sameeyey ayaa waxaa uu ku ogaadey in labo kamid ah ciidamada Madaxtooyada Puntland lagu tuhunsamay dilkii Jul 27, 2018 loogu gaystey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga Puntland.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in labadan askari mid kamid ah la qabtey halka midka kale baxsadey isagoo la sheegey in taleefankiisa uu dansadey.

Labada askari oo magacyadooda lagu soo koobey Cabdifatax Indha Balac iyo Caano Maraaci ayaa waxaa qoysas hoose la kala yihiin Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Xogtaan ayaa sheegeysa in askariga la yirahdo Cabdifatax Indhabuur bar uu Facebook ku leeyahay oo la yiraahdo Aaranjaan maalin ka hor inta aan la dilin sarkaalkaan 26 July,218 soo dhigey I n Gabi-gabi xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab.

Indhabuur oo Madaxweyne Gaas isku Beel hoose yihiin ayaa loo qabtey in wax laga waydiiyo dhacdadaans sida saraakiil xogogaal ah u sheegtey 

Askariga la yirahado Caano Maraaci oo Madaxweyne ku xigeenka Abti u yahay oo isagana markii dilkaan dhacey ku sugnaa magalada Galkacayo ayaa la waayey oo baxsdey.

Korneyl Cabdirashid Xasan Xaashi ayaa koox dabley ah ee hubeysan ku dishey magalada Galkacayo ayaa dabley hubeysan ku dishay magalada Galkacayo 27 July,2017.

Magalada Galkacayo ayaa waxa ka dhaca dilal loo gaysto saraakisha dowada Puntland iyo waxgaradka degaankaas kuwasoo inta badan gaystaan kooxda Al Shabaab.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM