XOG | Maxaa ka jira in Weriye Jamaal Cisman lagu xayiray Garowe?

Image
jamaal ayaa horey hay’adda NISA uga musaafurisay magaalada Muqdisho.

Garowe, Soomaaliya - Hay’adaha Amaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha ee Garowe ku xiray weriye Jamaal Maxamed Cismaan sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha amaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online.

Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida Puntland ayaa u xaqiijiyay GO in Wariye Jamaal Cismaan, lagu hayo xarunta CID-da Puntland ee magaalada Garowe, halkaas oo wareysi lagula yeelanayo.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in koox wariyaal ah ay wadaan qorshe Jamaal dib loogu celinayo wadankii uu ka tagay, isagoo hadda ku sugan hotel ku yaala magaalada Garowe, halkaasi oo ku sugnaan doono ilaa Inta dib loogu celin halka uu ka yimid.

Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan wariyeyaasha Channel 4 ee dalka Ingiriiska, ayaa saaka waxaa ku xiray garoonka diyaaradaha ee Garowe Hay’adaha Amaanka Puntland, si wax looga weydiiyo ujeedada booqashadiisa.

Jamaal ayaa horey hay’adda NISA uga musaafurisay magaalada Muqdisho xilli uu booqasho ku tagay, sababo la xiriira barnaamij Documentary ah oo uu ka duubay deegaanka Jilib ee ah xarunta kooxda “AS”.

Wariye Jamaal ayaa ah filim sameeye ku guuleystay abaal-marinno kala duwan, wuxuuna la shaqeynayay ITN/Channel 4 News tan iyo 2008-dii. Waxa uu sidoo kale wareysiyo la yeeshay burcad badeeda Soomaalida iyo Xubno ka mid ah kooxaha argagaxisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dadka indha indheeya arrimaha ammaanka ayaa rumeysan in sababtaas awgeed uu Jamaal u wajahayo kala fogaansho kala dhaxayso laamaha amniga, maadaama ay u arkaan xiriirka uu la leeyahay xubnaha sare oo ka tirsan kooxaha argagixisada ah mid khatar ku ah amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM