Xog: Maxay salka ku haysay booqashadii Dr. Gaas ee Burtinle?

Image

August 2,2015 (GO)- Safarkii madaxweynaha dowlada Puntland uu ku tagey degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal Jimcihii lasoo dhaafey July31,2015 ayaa wararka kasoo baxaya xusayaan inuu salka ku hayey sidii loo hagaajin laha xiriirka u dhexeeya Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Mudane Gaas.

Xirrirka Islaan Bashiir iyo madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu xumaa in muddo ah kadib markii odaaysha gobolka Mudug saluugeen siyaasada Dr.Gaas ee ku aadan gobolka Mudug.

Kulankaan ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa dalbadey madaxweynaha dowlada Puntland kadib markii ergo ka socota ka codsadeen Islaan Bashiir inuu ku casumo magaalada Burtinle Dr.Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa in mudo ah ku qaadatey sidii uu mar kale u booqan lahaa magaalada Galkacayo madaama uu xumaa xiriirka uu la leeyahay Islaan Bashiir iyo inta badan badan odaaysha magaalada Galkacayo.

Shirka madaxweynaha Puntland la qaatey odyaasha gobolka Mudug iyo Islaan Bashiir ayuu kaga hadley is-qabqabsiga maamul ee ka jira gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacayo iyo qaababka uu damacansan yahay inuu ku xaliyo.

Dhinaca kale waxaa kulan albaabadu u xiran yahay oo saacado badan qaatey waxaa wada yeeshey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas. Kulankaan oo warar badan kasoo bixin ayaa xoggo hoose sheegayaan in aan la isku fahmin qodobada intooda badan balse lagu balamey magaalada Galkacayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa booqashadii ugu horeysay uu ku tagey magaalo madaxda gobolka Mudug 7 April,2014 tan iyo markii xilka loo doortey ayaa waxaa garoonka diyaardaha magaalada Galkacayo lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hay'ada UNODC. Dowlada Puntland ayaa weli maxkamad soo taagin gacan ku dhiiglihii gaystey dilkaas isaga oo weli ku xiran xabsiga dhexe ee magaalo madaxda Garowe.

Dilkaan iyo xukun ku qaadisa la'aanta qofkii gaystey dilka saraakiishaan ka tirsaneyd hay'ada UNODC ee Qaramada midoobey ayaa hos u dhac weyn ku ridey kalsoonida beesha caalamka ku qabto amaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWEONLINE


 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM