XOG: Xildhibaan dabada ka riixaya in kororsiimo lagu sameeyo tirada Barlamanka Puntland

Image

GAROWE- Kadib markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas dhowaan cadeeyey in codsi lagu kordhinayo tirada Xildhibaanada Barlamanka Puntland u direy gudoonka Aqalka wakiilada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in mid kamid ah mudanayasha aqalka shacabka Puntland uu yahay shaqsiga kaliya oo dabada ka riixaya in tirada xildhibaanada loo kordhiyo qaar ka tirsan beelaha daga maamulkaan.

Maxamed Faarax Nuux ( Nuux Dheere) oo kamid ah Xildhibaanada kasoo gala gobolka Nugaal islamarkaana ka tirsan beesha Leelkase oo dhowaan kamid ahaa wafdi Madaxweynaha Puntland u raacey magalaada Muqdishu ayaa howshaan ololaheeda ka bilaabey magaalo madaxda Somalia isagoo diyaariyey kulan u dhexeeya Xildhibaanada beeshaan iyo Mudane Gaas kasoo lagaga hadlay qorshaha lagu kordhinayo tirada kuraasta Barlamanka Puntland.

Nuux Dheere oo ka tirsan guddiga dhaqaalaha Barlamanka Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyey aad ugu dhowaa madaxtooyada Puntland isagoo qayb ka ah tiro xildhibaano ah oo xukuumada ka difaaca aqalka wakiilada Puntland.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Nuux Dheere marka la eego qaabka qaybsiga beelaha daga gobolka Nugaal aan dib loogu soo dooran doonin xubinimadaan taasoo dadaalkaan waqtigaan uu  wado ku damacsan yahay in mar kale noqdo sanadka 2019 mudane ka tirsan aqalka wakiilada  Puntland taasoo ka imaan doonta tirada mudanayasha la codsadey in loo  kordhiyo beelaha qaar. Xildhibaankaan ayaa ka tirsanaa Barlamanka Puntland muddo 10 sano ah.

Xogtaan ayaa sheegeysa in  Nuux Dheere iminka ku mashquulsan yahay sidii lacag lagu laaluusho xildhibaanada Puntland loogu ururin lahaa beesha uu ka dhashey marka la gaaro kalfadhiga taasoo uu damacsan yahay Inuu ku bixiyo meel marinta codsigaan.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya aqalka  wakiilada Puntland ayaa sheegaya in gudoonka Barlamanka soo bandhigey qodobada horyaala kalfahdiga golaha shacabka oo furmaya bisha June ee soo socota.

Warsidaha GO ayaa fahansan in gudoonka aqalka wakiilada uu qodobada laga doodayo uusan ku soo darin codsigii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in la kordhiyo tirada Xildhibaanada madaama aysan sharciga waafaqsaneyn.

Dastuurka Puntland ayaa qodibkiisa 60aad waxaa uu diidan yahay in tirada Xildhibanada Barlamanka Puntland la kordhiyo tan iyo inta la helayo tirakoobka saxda ah ee shacabka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM