Xoghayaha cusub degmada Garowe oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

15 November, 2015(GO)-Xoghayaha ku yimi warqad uu soo saaray wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa maanta xilka la wareegay ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee degmada Garowe.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay duqa degmada, xubno ka socda wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, xildhibaano gole deegaan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xoghayihii hore dowladda hoose degmada Garowe Qaasim Maxamed Cabdi, ayaa sheegay inay sameeyeen waxqabad ballaaran intii uu xilka hayay, taasi oo ka mid tahay inay bulshada bareen qaabkii loola shaqeeyo dowladda hoose iyo bannaynta dhismayaasha sharci darrada ah.

Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Xoghayaha cusub ee xilka la wareegay ayaa tilmaamay inuu la shaqayn doono bulshada qaybaheeda kala duwan, wuxuuna ka codsaday inay taageeraan.

Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa xusay inay soo dhaweynayaan Xoghayaha cusub degmada Garowe, wuxuuna sheegay inay la shaqayn doonaan intii awoodooda ah.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhawaan soo magacaabay Xoghaye ka dib markii Qaasim Maxamed Cabdi laga dhigay gudoomiye ku-xigeenka gobolka Nugal, balse waxaa laga soo daba magacaabay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo ku yimi waraaq uu soo saaray Qoob-deero.

Lama oga halka uu ku dambeeyay magacaabista Xoghayihii hore,wuxuuna Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas taageersanyahay Xoghayaha maanta xilka la wareegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM