Xoghayaha D/hoose Galkacayo oo eedeyn iska fogeeyey

Image

Xoghayaha Degmada Galkacyo C/qaadir Warsam Kooshin ayaa maanta  16 August ,2014 waxaa uu iska fogeeyay eedaymo loo soo jeediyay kuwaasi oo salka ku hayay lunsashada hanti ay iska lahaayeen shacabka Degmada Galkacyo .

Kooshin waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay dacaayad laga fidiyay isla markaana uusan dhunsan wax hanti ah oo ay leeyihiin shacabka Galkacyo.

Arrintan ayuu dusha uga tuuray faafinteeda inuu ka dambeeyay Gudoomiyaha Degmada Galkacyo C/casiis Jaamac Nugaaal oo sheegay in dhawaan uu soo saarey waraaq uu xilka kaga qaadayo , balse taasi suurta gali weyday markii ay gaartay Madaxtooyada Puntland iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha oo uu sheegay in xilka qaadistiisa uu isagu leeyahay.

"Arintaasi waxba kama jiraan wasaaradana waa taan tagnay waagii dhaweyd oo Gudiga la qabtay oo ilaa madaxtooyada iyo meel walba gaartay,hadana Wasiirka arrimaha Gudaha waa nala joogaa,Waxaasi waa dacaayad dhaqanna uma lihi aniga ILAAHAY waa iga koriyay inaan musuq maasuqo hanti ay iska leeyihiin shacabka masaakiinta ah oo ku jira xilliga adag" Ayuu yiri Kooshin".

Xogahayaha Degmada Galkacyo ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo kale oo ay wadaan dhalinyaro shaqaale ah iyo Askar amar horey loo siiyay kuwaasi oo buuq sameeyay , hase ahaatee sida uu sheegay uusan u joojin shaqadiisii.

"Eedaymahaa cidii iga fidisay aakhiro iyo aduun waan la sugayaa , Aniga waa la i xaman karaa waxa waa la iga sheegi karaa balse waxaan jirin maxkamada ILAAHAY ayaan la hortagaayaa" sidaasi waxaa yiri C/qaadir Warsame Kooshin". 

17 July,2014 ayaa waraaq ka soo baxday  xafiiska Duqa Degmada Galkacyo C/casiis Jaamac Nugaaal waxaa xilka looga qaaday Xoghayaha degmadaasi Kooshin taasi oo dhalisay muran xooggan oo u dhaxeeyay labada masuul ugu danbeyntiina dhex galeen Guddi loo sarey hawshooda, taasi oo markii danbe go'aamiyeen in duqa uusan lahayn xilka qaadista xoghaya Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM