Xoghayaha dowladda hoose degmada Garowe oo la magacaabay [Dhagayso]

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa loo magacaabay Axmed Yuusuf Axmed, ka dib digreeto ka soo baxday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Axmed Yuusuf ayaa ka mid ah dhalinyarada dalka dibadiisa wax ku soo bartay, waxaana uu hadda ka mid yahay macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda Bariga Africa faraca Garowe, waana hormuudka qaybta culuumta bulshada.

Xoghayaha cusub oo la hadlay Radio Garowe ayaa soo dhaweyay xilka loo magacabay, wuxuuna tilmaamay inuu shaqadan u leeayahay aqoon iyo karti, maadaamada uu soo bartay arrimaha dowladaha hoose.

Axmed ayaa tilmaamay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid tahay hormarinta Caafimaadka, xoojinta xiriirka bulshada iyo dowladda hoose.

Waayadan dambe Garowe, waxaa laga dareemayay hadal haynta cidda loo magacaabayo xilka xoghayaha, ka dib markii xoghayihii hore Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Ku-xigeenka Gudoomiyaha gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM