Xogo ku saabsan Khasaaraha dagaalka Boosaaso iyo Xabad-joojinta

Image

BOOSAASO, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ku dhowaaqay xabbad-joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso oo tan iyo shalay dagaal uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa daacada u ah taliyihii PSF ee xilka laga qaadey Maxamuud Cismaan Diyaano.

Xabbad joojinta halka dhinac ah waxaa maanta ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, oo maanta xaaladeeda degan.

Dagaalkii shalay ka dhacay Boosaaso oo mudo laga digayay ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 14 qof oo askar iyo shacab isagu jira, iyadoo tobannaan kale ay ku dhaawacantay.

Waxaa sidoo kale dagaalka Boosaaso ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood laga sameeyay, iyadoo ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka uusan si fiican u shaqeynayn.

Dhinaca kale, taliska xilka laga qaadet ee PSF oo soo saaray war qoraal ah maanta ayaa shegay inay iska difaaceen weerar gardaro ah, oo lagu soo qaaday, waxay ku eedeeyeen xukuumadda dhibaatada bulshada soo gaartay.

Waxaa socda dadaallo nabadeed, oo ay sameynayaan odayaasha dhaqanka, bulshadda rayidka iyo Culimada, waxaana la filayaa in wadahadal u dhaxeeya dowladda iyo garabka PSF ee uu hogaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaanno.

Dagaalka Boosaaso oo kusoo beegmaya xili xasaasi ah oo magaaladda lagu wadey inay doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu qabto ayaa dhacay kadib muran xoog leh oo socday muddo tododbaadyo ah oo u dhexeeyey dowladda iyo taliska PSF oo diidey xilka qaadista Deni.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano 24-kii bishii lasoo dhaafay, taasoo uu ka soo horjeestay.

Dowladda Mareykanka oo taageerta hay’adda PSF ayaa shalay ku baaqdey in dagaalka Boosaaso si degdeg ah loo joojiyo, islamarkaana miiska wadahadalka lagu dhameeyo khilaafka.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda Boosaaso, laguna soo laabto miiska wada-hadalka, si loo helo xal ku yimaada wada-xaajood.

Dagaalka hadii uu sii socda waxuu waxyeelo u geysanayaan Boosaaso iyo dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraal shalay ay soo saartey safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Si kastaba, waxaa maanta degan xaaladda Boosaaso, oo aan laga soo sheegin wax rasaas ah, iyadoo dib loo furay Ganacsiga intiisa badan, inkastoo dadkii barakacay aysan wali kusoo laaban xaafadahooda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aano laga soo saarey dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland

Qodobadan ayaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 12:02PM

Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 11:46AM