X.Surcad “Caddaalad uma arko in la kordhiyo Barlamanka Puntland” [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad oo kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa ka hadlay dooda la xariirta kordhinta golaha Xildhibaanada oo haatan ka kooban 66 mudane.

Isagoo la hadlayay Radio Garowe, Xildhibaanka ayaa sheegay in dhismaha Puntland laga soo maray dhibaato adag 1998, taasoo lagu saleeyay awood qaybsigeeda nidaam gobol, wuxuuna sheegay in qabaa’ilka kamaqan Barlamanka uusan dastuurku ka qadin, balse gobolkoodu eeda leeyahay.

“Xildhibaano ayaa la qaybsaday 66 ay ka koobanyihiin waxayna kasoo jeedaan gobollada Puntland, dadka Puntland gobollo ayay dagaan. Sax wey jiraan dad badan oo aan Xildhibaanada ku jirin, balse xuquuqdoodii gobolka ayay ku maqanyihiin, balse Dastuurka kuma maqna,” Ayuu yiri Mudane Surcad.

Surcad ayaa waqtigan sheegay inuusan munaasab ahayn kordhinta Xildhibaanada, isagoo ku macneeyay inaysan caddaalad ku imaan karin habkan, balse dowladda looga fadhiyo inay baahiso adeegyada asaasiga ah oo ay gaarsiiso shacabka.

Kordhinta Xildhibaanada ayuu xusay inaysan waqtigan keeni karin faa’iido, laakiin badalkeeda ka imaan karaan is-qab qabsi iyo in beel walba ku doodo in lagu daro golaha Wakiillada.

Mudanahan ayaa sheegay in Dastuurku yahay shayga ugu qaalisan ee dowlad leedahay, sidaas darteed aan markasta la furi karin cid kastana awood u lahayn inay furto, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda hadda jirta ay dalka ka furto nidaamka asxaabta badan, sidaas darteed aan lagu dul furi karin qorshe kale, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay iyadoo la doonayo Dimuqraadiyad in lagu laabto Qabiil.

Mar wax laga weydiiyay in tallaabadan xukuumaddu uga golleedahay inay waqtiga ku siyaadsato, wuxuu yiri, “Kolay arrintaasn ma maqal mas’uul sheegayna ma jirto, balse dowladdu waqti ayay leedahay mandatekeeduna waa 5 sano.”

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaanada Puntland ka taagnaa dood xoog leh oo ka dhalatay markii Madaxweynaha Puntland waraaq u gudbiyay guddoonka Barlamanka si loo kordhiyo Xildhibaanada iyadoo lagu daro 7 xubnood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM