Xildhibaano la dhaariyay iyo doorasho barri ka dhacaysa Qardho [Akhriso]

Image
Image
Image
Image
Image

23 Septembar, 2015(GO)-Guddiga dhismaha golaha deegaana degmada Qardho ayaa soo saaray liiska xildhibaanada golahaasi.

Xafladda lagu shaacinayay liiska ayaa sidoo kale lagu dhaariyay xildhibaanada cusub, waxaana barri la qorshaynayaa inay dhacdo doorashada golaha deegaanka degmada Qardho sida laga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan guddiga arrintaasi loo xilsaaray.

Xubnaha golaha deegaanka degmadaasi ayaa ka kooban 29 xildhibaan, sida ku muujisay liiska ay soo saareen guddigu.

Mushariix kala duwan ayaa u tartamaya hogaanka golaha deegaanka degmada Qardho, waxaana galinka hore ee Arbacada 23 september la qorshaynayaa in doorashadu ka dhacdo xarunta gobolka Kar-kaar.

Magalada Bosaso ayaa sidoo kale waxaa ka socoto soo xulista xildhibaanada golaha deegaanka degmadaasi, xarunta ganacsiga Puntland ayaana muddo lahayn wax gole deegaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM