Xubno ka tirsan wasiirada cusub ee PL oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE June 17, 2015 (GO)- Waxa maanta xafiiska Madaxweynaha Puntland ee magaalo madaxda Garowe lagu dhaariyey afar wasiir oo kamid ah xubnihii loo magacaabey wasiirrada isku-shaandheynta lagu sameeyey.

Xafalad kooban ayaa lagu dhaariyey Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Dhaarta kadib ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu hambalyo u direy dhamaan wasiirada la magacaabey isaga oo u rajeeyey in ilaahey u sahlo shaqada loo magacaabey.

"waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sida aad ugu dhaarateen dalkiina iyo dadkiina ugu shaqeysaan , daacad u ahaataan , wixii masuuliyadiina wax u dhimaya idinkana leexinaya ujeedooyinka , himilooyinka iyo waxa laydinka filayana wax u dhimaya oo idinka weecinayana ka leexataan ‘’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo hadal ka jeediyey munaasabadaan. .

"24-ka saac inaad shaqeysaan baa laydinka rabaa , masuuliyad baa idin saaran intaas oo umadana waa idin sugaysaa , waa howl aad iyo aad u dhib badan waana muhiim in xilkiina aad gudataan" ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM