Xubno loo malaynayo Daacish oo Nin katirsanaa Shaqaalaha Golis ku dilay gobolka Bari

Image

BOSASO, Puntland- Kooxo ku hubaysnaa qoryaha fudud ayaa dil ka gaystay gobolka Bari gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Balli- Dagan oo kaabiga ku haya fariisim kooxda Daacish ku leedahay gobolkaas.

Dilka oo dhacay Shalay Salaadii Maqrib ayaa lagusoo waramayaa in loo gaystay marxuum Mahad Maxamed Aadan.

Qof goob jooge ahaa ayaa VOA u sheegay in Mahad lagu dilay xilli uu joogay xarun Golis ku leedahay deegaankaas.

"ALLAH ha u naxariisto marxuumka afar nin oo hubaysan ayaa u yimid halkan aan kaala soo hadlayo ayayna ku dileen." Ayuu yiri goob joogaha oo magaciisa u qariyay sababo amni.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu warkiisa ku daray "Ninkan ma qabin dakano lagu dilo, sidoo kale ma jiraan qabaa'ilo dagaal ka dhaxeeyo oo goobta dagan, balse falal dhaca xoolaha iyo dilal isugu jira gaysta kooxda Daacish."

Lama oga sababta loo dilay, balse goob joogaha ayaa ku waramay in kooxda Daacish dilal, dhaca hantida shacabka iyo falal kale ka gaysato gobolka Bari oo muddooyinkii dambe u muuqday mid amnigiisu ka baxay gacanta dowladda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dilka kadib xubnahaa ka dambeeyay falkaas oo tiradooda lagu sheegay 4 qof ay meesha ka baxsadeen.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka Shirkadda Isgaariistan ee Golis.

Sidoo kale falkaan faah faahin ka bixin dowladda Puntland.

Gobolkaas waxaa ku sugan mallayshiyaad katirsan Daacish iyo Al Shabaab, kuwaasoo dagaal kula jira Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ee qof shacab ah lagu dilo deegaano katirsan gobolka Bari tan iyo markii ay halkaas galeen Daacish oo sannadkii hore dhammaadkiisa gacanta ku dhigtay degmada Qandala.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM