​Xukun lagu riday wiilal Kufsi ka gaystay Galdogob

Image
Image
Image

GALDOGOB, Puntland- Guddi culimaa'uddiin ka kooban oo loo xilsaaray kiis Kufsi ah oo bishii December, 2016 ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug, ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday 5 kamid ah dhalinyaradii falkaasi gaysatay.

Go'aankaas oo isugu jiray Xabsi, Jeedal iyo Lacag magdhow ah oo gabadha lagu xad gubad loo qorsheeyay ayaa waxaa ku dhawaaqay Culimada oo sheegay inay arrintaas u mareen shareecada Islaamka.

Xabsiga ayaa u dhaxeeyay 5-10 san halka Jeedalku ahaa 200 ilaa 100 kaasoo ay fuliyeen ciidamada Puntland ee goobta ku sugnaa.

Shirwac Jaamac Juunle 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah

Yaasir Maahir 8 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah

Yaxye Cabdulaahi Awkax 6 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah

Ayaanle Wale 7 Sano iyo 100 Jeedal

Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal

Waxaa sidoo kale maqan wiil kamid ahaa dhalinyaradaas oo la sheegay in xukunka lagu qaadi doono.

Xukunkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in beelaha ay wiilashu kasoo jeedaan ay bixiyaan lacag gaaraysa $4.000 [Afar kun oo Dollar] iyo Meherka gabdhaha oo gaaraya labada gabdhood $8.000 Dollar.

Labada Beelood ee ay kasoo kala jeedaan Wiilasha iyo gabadha ayaa goobtaasi ka sheegay inay ku qanacsanyihiin xukunka la riday iyagoo culimada ku ammaanayaan doorka ay ka qaateen.

Goobta go'aanka lagag dhawaaqay waxaa ku sugnaa, Wasiirrada Cadaaladda iyo Haweenka Puntland kuwaas oo degmada u tagay kiiska gabadhaas.

Tallaabadan ayaa timid xilli falka lagu kacay inanta lagu magacaabi Ridwaan Saxardiid aad looga falanqeeyay caalamka iyo guud ahaan baraha bulshadu ku kulanto, waxaana taas keentay in Puntland soo rogto amar qeexaya in kiiska gabadhaas aan loo marin wax ka baxsan shareecada Islaamka.

Waa markii ugu horaysay kiis noocaan ah looga fariisto degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM