Xukun lagu ridday mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo la buriyey

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Racfaanka Bari ayaa maanta oo Isniin ah burisay xukun 9-kii Febraayo ee sanadkan 2020 ay ridday Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolkaas.

Xukunada ayaa waxaa lagu ridday mas'uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraada Badda dowladda Puntland.

Maxamed Cali Muuse, agaasimaha Waaxda Kalluumeysiga, ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah markii la sheegay in lagu helay in uu sameystay dukumiintiyo been abuur ah.

Dukumiintiyadda ayaa waxaa la xusay in lacago looga qaadi jiray doonyaha iyo maraakiibta ee ka jilaabta xeebaha kala duwan ee Puntland.

Muuse waxay eeda kala dhaxeysay Mahad Cali Carcar, isu duwaha Wasaaradda kalluumaysiga gobolka Garfaduuf, kaasoo la amray in xorriyadiisa loo celiyo markii dambi "lagu waayey".

Garsooreyaasha Maxkamada Racfaanka ayaa jebinta u cuskaday in dukumiintiyadda horey loo adeegsan jiray isla markaana codka laga duubay uusan muujin karin dambi.

Xilli ay ku adkeysteen in kiiska uu yahay mid aan horey loosii waddi karin, xafiiska xeer-ilaalinta ayay daboolka ka qaadeen in uu ku fashilmay in uu la yimaado caddeymo ku filan.

Muuse iyo Carcar ayaa waxaa lagu waramay in lagu xiray magaala madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, bishii hore ee Janaayo, 2020.

Puntland ayaa kamid ah degaanada Sooomaaliya ee garsoorku u siman yahay rayidka iyo mas'uuliyiinta, si gaar ah marka ay timaado gal-dacwadeedyada la dagaalanka musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM