Xukuumada Deni oo lagu eedeeyay "soo nooleynta" qabyaalada

Image
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulamadii ay ka samaysay goboladda Bari, Karkaar iyo Gaardafuu.

GAROWE, Puntland - Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulamadii ay ka samaysay goboladda Bari, Karkaar iyo Gaardafuu mudadii u dhaxeysay 12-17 bishaan Janaayo, 2023.

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ayay madashu sheegeen in bulshada gobaladaas ay iska diideen iyaga oo walaac ka muujiyay dano muddo kororsi oo ay xambaarsantahay.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayay ku eedeeyeen in uu hareer maray habraacyadii doorashooyinka iyaga oo ku tilmaamay diiwaan-gelinta "mid aan loo dhamayn oo uu khilaaf hareeyay".

Xukuumadda Deni ayay tibaaxeen in ay soo noolaysay qabyaaladda iyo qabiilka iyada oo kusoo aadayso eedayntu xilli xukuumadda Puntland ay dhawaanahan ku hawlanayd qabashada kulamo ay beeluhu si gaar-gaar ah ugu taageerayaan hanaankaan.

Barakacayaasha ayay madashu ku celisay markale in xuquuqdooda lagu tuntay iyada oo sheegtay in arintaasi uu hormuud u yahay ururka ''KAAH'' ee uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Muddo kororsiga, sidda ay sheegeen, in ay damacsan tahay xukuumadda Deni ayay madashu ku baaqday in ay joojiso marin habaabinta shacabka iyo takri-falka dhaqaalaha shacabka.

Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo bulshadda Puntland ayay cod dheer ugu baaqeen mas'uuliyiinta madashu in laga hortago hubanti la'aan siyaasadeed oo Puntland ka dhacda si loo gaaro damac shakhsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM