Xukuumada Deni oo lagu eedeeyay xad-gudubyo bini'aadanimo

Image
Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa sheegay in uu "indhaha ku hayo dadka ku lugta leh dhacdadan".

GAROWE, Puntland - Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa shaaca ka dhigay in ay soo gaareen cabashooyin xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan caasimadda Garowe.

"Dad awood ku leh xukuumada Deni" ayaa xafiisku sheegay in xoguhu cadaynayaan in ay ku lug-leeyihiin gabood-fal ka dhan ka ah xuquuuqda bini'aadamka.

Dhacdaan ayuu ugu yeeray xafiisku "mid fool-xun" waxaana uu walaac ka muujiyay in laga raro dadka barakacayaasha ah rugahoodi iyada oo laga faa'idaysanayo duruufaha ay ku sugan yihiin iyo baahidooda.

"Shakhsiyaad doonaya in ay ku danaystaan barakacayaasha" ayuu xafiisku sheegay in ay si gaar ah indhaha ugu hayaan iyaga oo cadaadis ku saaraya in ay fuliyaan danahooda gaarka ah.

Booliska gobalka nugaal ee degmada Dan-gorayo ayaa qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal Garowe laga keenay.

Barakacayaashaan ayaa qorshuhu ahaa in laga diiwaan geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee xukuumadu Boosaaso ka bilawday aysan dad-waynuhu usoo bixin.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee wasaarada arimaha Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Nuur (Jubba) uu dadkaasi kasoo aruuriyay Garowe kadib culeysyo lagu saaray kaalmada bini-aadannimo ee dadkaasi ay ka helaan hay'addaha caalamiga ah isaga oo xiliga dadkaani la qabanayay ku sugnaa deegaanka Sin-u-jiif ee gobalka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM