Xukuumada Deni oo lagu eedeeyay xad-gudubyo bini'aadanimo

Image
Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa sheegay in uu "indhaha ku hayo dadka ku lugta leh dhacdadan".

GAROWE, Puntland - Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa shaaca ka dhigay in ay soo gaareen cabashooyin xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan caasimadda Garowe.

"Dad awood ku leh xukuumada Deni" ayaa xafiisku sheegay in xoguhu cadaynayaan in ay ku lug-leeyihiin gabood-fal ka dhan ka ah xuquuuqda bini'aadamka.

Dhacdaan ayuu ugu yeeray xafiisku "mid fool-xun" waxaana uu walaac ka muujiyay in laga raro dadka barakacayaasha ah rugahoodi iyada oo laga faa'idaysanayo duruufaha ay ku sugan yihiin iyo baahidooda.

"Shakhsiyaad doonaya in ay ku danaystaan barakacayaasha" ayuu xafiisku sheegay in ay si gaar ah indhaha ugu hayaan iyaga oo cadaadis ku saaraya in ay fuliyaan danahooda gaarka ah.

Booliska gobalka nugaal ee degmada Dan-gorayo ayaa qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal Garowe laga keenay.

Barakacayaashaan ayaa qorshuhu ahaa in laga diiwaan geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee xukuumadu Boosaaso ka bilawday aysan dad-waynuhu usoo bixin.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee wasaarada arimaha Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Nuur (Jubba) uu dadkaasi kasoo aruuriyay Garowe kadib culeysyo lagu saaray kaalmada bini-aadannimo ee dadkaasi ay ka helaan hay'addaha caalamiga ah isaga oo xiliga dadkaani la qabanayay ku sugnaa deegaanka Sin-u-jiif ee gobalka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM