Xukuumada oo si yaab leh uga falcelisay baaqii odayaasha Nugaal

Image
Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dhawaan lagu eedeeyay "soo nooleynta qabyaalada".

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay kulan ay soo qaban-qaabisay madaxtooyada Puntland kaasi oo salka ku hayay ababaul qabiil sida shirarkii ka socday dhawaanahan Boosaaso.

Mid kamid ah dadkii lagu casuumay kulanka balse aan ka qayb gelin ayaa Garowe Online u sheegay "dhalinyaro u badan kuwa shaqo la'aanta haysa ayaa meesha la isugu keenay waxaana lagu cel-celinayay sida aan dareemay inta aan ka bixin hadalo kicin qabiil ah iyo yaan nalaga badsan is-diiwaan gelinta".

Xukuumada Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dhawaan lagu eedeeyay "soo nooleynta qabyaalada" kadib shirar gaar-gaar ah oo bulshadda gobolka Bari lagu abaabulay in qolo kasta ay cududeeda soo bandhigto.

Shirarkaan ayaa bulshooyinka colaadaha ka daalay xusuusinaya is-ceyri iyo in qolo kasta ay is-muujiso taasi oo ay ka digaan xeel-dheerayaasha dhismaha nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Kulanka ka dhacay magaala madaxda Garowe ayaa ku dhamaaday jawi cakiran iyada oo ay ka qayb-galkiisa ka baaqsadeen inta badan dadkii lagu casuumay.

Shalay ayay ahayd markii dhaqanka gobolka ay u gud-biyeen guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland codsi ah in dib loo dhigo diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee ay qaadaceen afar kamid ah ururada siyaasadda Puntland.

Dadka ayaa is-waydiinta sababta kusoo aadisay kulanka xiligaan iyada oo ay gobolka ka jirto xaalad abaar ah oo ay ka digeen in ay macluul isu badasho FAO iyo hay'addaha gar-gaarka kuwaasoo ku baaqay in degdeg gurmad loo gaarsiiyo dadka shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM