Xukumada Puntland oo aan ka hadlin xaalada amni ee gobolka Bari

Image

Dec 31,2015 (GO)- Kulan maanta isugu yimadaeen golaha xukuumada Puntland ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan inuu ka aamusey arrimaha amni darada ah ee kasoo korordhey degaano ka tirsan gobolka Barri.

Warsaxafadeed kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegey in arrimaha amniga ee Puntland yihiin kuwo sugan

Warsidaha Garowe online oo xog ka heley kulankaas ayaa sheegaya in wasiirka aminaga xukuumada Puntland uu ka warbixiyey xaalada amni ee ka taagan gobolada Barri balse golaha tixgalin wayn uusan-siin ka doodistiisa iyadoo qoraalka kasoo baxaya shirka Khamiis- alaha aan lagaga hadlin. Halkan ka akhri.

Gobolka Barri ayaa 24 December, 2015 waxaa ku dagaalmay labo kooxood oo kala tageersan ururada Al-shabaab iyo Daacish kuwasoo weli ku sugan degaano ka tirsan Timirshe iyo Bali-dhidin.

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo dadka degaanka ayaa xusaya in kooxdii uu hogaaminey Cabdulqaadir Muumin ee tageersan fikirka ururka Daacish saldhig ka dhigteen halka la yiraahdo Hul-caanood halka kooxda kale ee ka timid buuraha Galgala "Al-shabaab" weli ku sugan yihiin agagaarka degaanka Timirshe.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Cabduqlaadir Muumin uu raadinayo in ciidamo dheraad ah ka qorto degaanadaas iyadoo wararkaan xusayaan in uu bixinayo mushahar farabadan.

Cabdulqadir Muumin oo markii hore ay soo mari jirtey inta badan maaliyada Al-shabaab-ka ku sugan Puntland ayaa wararku sheegayaan in ka bixistii ururkaas u gaysatey dhibaato xoogan ee dhaqaale.

Hul-caanood oo horey u ahaan jirtey saldhig ay ku dhuumaaleystaan kooxihii bur-cad badeedka ahaa ee suuley ayaa waxay tahay dhul buuraley ah islamarkaana u furan dhinaca Badda.

Xukuumada Puntland gaar ahaan wasaarada amanka ayaa warsaxafadeed horey ugu soo saarin dagaaladaas dhexmarey kooxaha kala tageersan ururadaas xilli wel-wel dadka degaanka ka muujinayaan in halkaas noqoto saldhig kale.

Buuraleyda ku wareegsan Galgala ayaa waxaa saldhig ku leh ururuka Al-shaabab iyadoo halkaas ku horfadhiyaan ciidamada Daraawishta Puntland iyadoo dhaqaale farabadan kaga baxo shacabka Puntland kaasoo caqabad ku noqdey hurumarinta arrimaha bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM