Xukuumadda Puntland oo meelmarisay Miisaaniyadda Lixda bilood

Image
Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga , Geedi-socodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee June - December 2024, Illaalinta Deegaanka iyo Todobaadka dhaqanka Puntland oo caawa soo xirmaya wuxuu socday (31 May illaa 06 June ) 2024.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha keentay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dood iyo falanqeyn ka dib uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Goluhu.

Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (Jan-June 2024). 

Golaha Wasiirada waxaa booqasho sharafeed ku yimi Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro FC oo wadata Koobkii Horyaalka Naadiyada Puntland ee ay ku guuleysteen, waxaa lagu maamuusay in ay Koobka horkeeneen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM