Xulka Nugaal oo ku guuleystey tartanka kubadda koleyga Puntland

Image
Image
Image
Image

March 14, 2015 (GO)- Xulka kubadda koleyga ee gobolka Nugaal ayaa ku guulystay tartan kubadda koleyga ah oo muddo asbuuc ah ka soconayey magaala madaxda Puntland ee Garowe.

Gobollada Nugaal, Mudug iyo Karkaar ayaa tartanka ka qeybgalay, waxaana gabagabadii final-ka isgu soo haray gobllada Nugaal iyo Mudug.

Cayaarta kama dambeysta oo ahayd mid aad uxiisa badan wexey guusha ku raacday xulka kubadda koleyga gobollka Nugaal.

Tartankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ee lagu qabto Puntland, waxaana la filayaa in sanadaha soo socda dhammaan gobolladu kasoo qayb galaan.

Xulka gobolka Nugaal ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee gobollada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM