Yagleelida shirkada korontada Puntland oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image
Golaha Wasiirada Puntland ayaa meelmariyey arrintan oo timid xilli baahi wayn loo qabo adeeg koronto.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha, Ansixinta dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco), Ansixinta magac bedelka Wasaaradda Waraafinta iyo warbixin ku saabsan ka jawaabista saameynta ka dhalatay Abaarta.

Kulanka ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda oo Golaha la wadaagay sida wanaagsan ay u socdaan adeegyada loo hayo Bulshada.

Golaha ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo "ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu Shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020" ayaa golaha u gudbisay dhismaha shirkadan, sida lagu yiri bayaan.

Sidoo kale, golaha xukuumadda ayaa wuxuu meelmariyey magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Ugu danbeyn Deni ayaa boggaadiyay in lagu guulestay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay Mushahar kordhinta Shaqaalaha loo sameeyay, taasi oo ah tallaabo taariikhi ah oo ay qaaday Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM