Yagleelida shirkada korontada Puntland oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image
Golaha Wasiirada Puntland ayaa meelmariyey arrintan oo timid xilli baahi wayn loo qabo adeeg koronto.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha, Ansixinta dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco), Ansixinta magac bedelka Wasaaradda Waraafinta iyo warbixin ku saabsan ka jawaabista saameynta ka dhalatay Abaarta.

Kulanka ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda oo Golaha la wadaagay sida wanaagsan ay u socdaan adeegyada loo hayo Bulshada.

Golaha ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo "ka duuleysa Xeerkii Madaxweynuhu Shirkaddan ku dhisay 18-kii Bishii April 2020" ayaa golaha u gudbisay dhismaha shirkadan, sida lagu yiri bayaan.

Sidoo kale, golaha xukuumadda ayaa wuxuu meelmariyey magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Ugu danbeyn Deni ayaa boggaadiyay in lagu guulestay oo ay si wanaagsan u dhaqan gashay Mushahar kordhinta Shaqaalaha loo sameeyay, taasi oo ah tallaabo taariikhi ah oo ay qaaday Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM