Yoweri Museveni oo qirey in Al-shabaab ciidamo ka qabsadeen

Image

TOKYO, Sept 12, 2015( GO+AP)-  Madaxweynaha dalka Uganda ayaa qirey maanta in ururka xag jirka ah ee Al-shabaab qaar ka tirsan ciidamadiisa maxabiis u haystaan, isaga oo ku eedeyey saarkiisha xukunta ciidamada iney hurdeen marka weerarkaas lala beegsadey.

Yoweri Museveni ayaa sheegey in 16 kamid ah ciidamada dalka Uganda lagu diley weerarkaas halka 6 kale la waayey kadib markii Sep1,2015 weerar lagu soo qaadey xero ciidamada AMISOM ka daganaayeen Janaale.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegey in 50 kamid ah ciidamada Uganda ku dileen weerarkaan ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen degaanka Janaale.

"Waa khalad ciidamdeenu galeen" sidaas waxaa yiri madaxweynaha Uganda oo saxaafada kula hadalyey Tokyo Japan halkaasoo booqasho ku joogo. " Sarakiisha ciidamedeena wey hurdeen, ma aysan aheyn kuwa taxadaraya. Waan ka joojiney shaqada saraakiishaas waxaana la saarayaa maxkamad ciidan." 

Ciidamada Uganda waxa ay kamid yihiin ciidamada AMISOM kula dagaalamaya kooxaha Al-shabaab kuwasoo raba iney af-gambiyaan dowlada Federaalka Somalia aan awooda badan laheyn.

Madaxweynaha Uganda ayaa dalka Japan ku jooga booqasho kor loogu qaadayo xiriirka labada dal iyo maalgalin lagu sameeyo wadankaas oo kamid ah wadamada Africa ee hurumarka gaarey.

GAROWEONLINE+ Wakaaladaha

Related Articles

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM