Sheekh Xasan Turki oo geeriyoodey

Image

May 28, 2015 (GO)- Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi (Turki) oo kamid ahaa saraakiisha Al-shabab ayaa xalay ku geeriyoodey deegaanka Hargeysa Yareey ee gobolka Jubbada Dhexe.

Geerida Xasan Turki waxaa xaqiijiyey af-hayeenka guud ee Al-shabaab Cali Dheere isagoo sheegay in muddooyinkii u dambeeyey uu ku xanuunsanayey deegaanka Hargeysa Yarey.

Xasan Turki oo xubin firfircoon ka ahaa dadkii asaasey ururrada jihaadiyiinta ah ee Geeska Afrika, waxaa si weyn u raadineysey Dowladda Maraykanka oo ku  eedeysey inuu martigeliyey xubnihii Al-qaacida ka tirsanaa ee fuliyey qaraxyadii lala beegsaday safaaradaha Maraykanka ee Darisalam iyo Nairobi.

Magaalada Qabri-dahar ee dhulka is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayuu ku dhashay, Sucuudigana muddo ayuu ku noolaa waxna wuu kusoo bartey.

Wuxuu xilal kasoo qabtey ururradii Al-itixaad iyo Xisbul Islaam, balse sanadihii u dambeeyey wuxuu kamid ahaa Al-shabab.

Xasan Turki oo ku geeriyoodey da'da 73 sano waxaa la sheegaa in uu labo mar tegey dalka Afghanistan, halkaasoo uu kula kulmey hoggaamiyihii hore ee Al-qaacida Osama Bin Laden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho: Hub-ka-dhigis Lala Beegsaday Saraakiil Hore oo Lala Xiriirinayo Mucaaradka

Taliyaha Ciidanka Soomaaliya, Jen. Odowa Yusuf Rageh, ayaa dhawaan sheegay in dhammaan gaadiidka ciidamada oo aan fasax rasmi ah lahayn.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 01:12PM

Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 11:05AM