Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Image

MOGADISHU, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shir guddoomiyay kulan toddobaadle ah oo Golaha Wasiirrada ka dhacay Muqdisho, isaga oo ku baaqay midnimo iyo isbedel, xilli muddo xileedkiisu ka dhiman yahay wax ka yar lix bilood, islamarkaana uu dhamaanayo May 2026.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay iskaashi, hufnaan, iyo isla xisaabtan dheeraad ah dhammaan hay’adaha dowladda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

Wasiirrada ayaa warbixin ka siiyay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamul wanaagga. Waxaa la sheegay in ciidamada Soomaaliya ay lixdii bilood ee la soo dhaafay weeraro culus ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana la xoojiyay tababarka iyo qalabaynta ciidamada qaranka.

Goluhu waxa uu sidoo kale dib u eegis ku sameeyay miisaaniyadda qaranka ee 2026, iyaga oo sheegay in kordhinta kharashaadka la qorsheeyay ay mudnaanta siin doonto caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa wasiirrada ku booriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in kalsoonida shacabka iyo midnimada qaran ay ku xirnaan doonto dowladnimo loo dhan yahay oo isla xisaabtan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM