Somalia: Sodon al-shabaab ah oo ku dhimatey weerarka Bardheere

Image

Jul 17, 25 (GO)- Ugu yaraan sodon kamid maleeshiyaadka ururka Al-shabaab ayaa lagu diley weerarkii maalinta khamiista 16 July,2015 lagu qaadey gaari marayey deegaanka Juungal oo qiyaastii 30km u jira  degmada Baardheere ee gobolka Godo. 

Dowlada Kenya ayaa dib uga noqatey sheegashada in xubnaha ku dhintey weerarka diyaarada Mareykanka oo aan duuliyaha laheyn ku qaadey gaari uu saarnaa ninkii ka dambeeyey weerarkii lagu qaadey Jaamacad ku taal magaalada Gaarisa ka dambeeyey.

" In ka badan 30 xubnood oo kamid ah argagixisada Al-shabaab kuwasoo ay kamid ahaayeen kuwo la raadinayo ayaa ku dhintey weerarkas" sidaas waxaa sheegey afhayeen u hadley wasaarada arrimaha gudaha wadanka Kenya Mwenda Njoka.

Mwenda Njoka oo la hadlayey saxaafada ayaa sidoo kale sheegey in weerarkaan lagu daley koox kamid ah ururka Al-shababaab kuwasoo ka dambeeyey weeraro kooxdaan ku qaadey gudaha Kenya balse ka gaabsadey warar sheegaya in duqeyntaas ku dhinteen Mohamed Mohamud, oo loo yaqaan Dulyadin, Kuno iyo Gamadhere.

Warar laga soo xigtey odayaal degan agagaarka degmada Bardheere ayaa saxaafada u sheegey in duqeyntaan ay haleeshey labo gaari oo ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaaab.

Weerarkaan kadib waxaa dhamaan la gooyey isgaarsiinta magaalada Baardheere taasoo adkeysay in xog rasmiya laga helo dadka ku dhintey weerarkaan duqeynta ah.

Ciidamada Ethiopia oo ka tirsan AMISOM ayaa qorsheynaya in weerar balaaran ku soo qaadaan degmada Baardheere oo in muddo ah gacanta ku hayeen ururka al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM