​10 qof oo ku geeriyooday baabuur ay jiireen ciidamada AMISOM

Image

MUQDISHU, Somalia- Kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM oo galinkii dambe ee maanta ka baxayay magaalada Muqdishu ayaa dusha ka maray baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah duleedka caasumadda Somalia.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa geeriyootay 15 kale waxaa soo gaaray dhaawacyo qaybtood halis yihiin iyadoo iminka lagu dabiibayo goobo caafimaad oo ku yaalla Xamar.

Goob joogayaal ku sugnaa halka shilku ka dhacay ayaa GO, u sheegay in gaarigan dadka badan ku dhinteen uu noociisu ahaa Hoomeeb ama Bus, kayimid degmada Afgooyeen, kaasoo ay ku safrayeen dad shacab ah, balse dhacdadan ku qabsatay deegaanka lagu magacaabo Calamada.

Majirto tafaasiil dheeraad ah oo laga helayo shilkaasi, balse waxay qayb ka tahay dhacdooyin kala duwan oo ciidamada Midowga Africa inta badan ka gaystaan Koonfurta Somalia. Lama oga sababta Ciidanka AMISOM gaarigaasi u dar-dareen.

Dabayaaqadii sannadkii hore, ayay ahayd markii gaari noocaan oo kale ah AMISOM dab qabadsiisay isagoo kusii jeeday magaalada Muqdishu, waxaana ku dhintay dad shacab ah.

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia, ayaa falalkan oo kale isaga difaaca inay ka shakiyeen gawaarida iyo dadka ay waxyeelleeyaan iyadoo aysan jirin tallaabo ay qaado dowladda Somalia.

Tan iyo markii ay soo galeen AMISOM dalka Somalia, waxaa dhacay kiisas badan oo ka dhan ah bini-aadanimada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM