​11-kii xubnood oo go'aankooda lagu celiyay Guddiga Khilaafaadka

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxda Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa ka hadlay xubnaha 11 ah ee lagu celiyay doorashadooda taasoo ay soo gudbiyeen guddiga khilaafaadka.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka madasha, ayaa lagu sheegay in xubnahaas dib loo celiyo doorshadooda islamarkaana sida laga yeelayo arrimahooda ay go'aan ka gaari doonaan guddigii horay usoo gudbiyay.

"In kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka," Sidaas waxaa lagu sheegay War-murtiyeedka kasoo baxay hogaamiyaasha madasha.

Lama oga sida laga yeeli doono, balse madaxda madasha ayaa horay isugu dayay inay laalaan inkastoo arrintaas ay ka biyo diideen beesha caalamka, waxaa sidoo kale cadaadis uga imaanaya qaar kamid ah qaabaa'ilka oo qaybtood laga qaaday kuraastoodii.

Hoos ka akhriso xubnaha la diidayahay doorashadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan;

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM