​2 qof oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Somalia- Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiran, kaasoo ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ugu yaraan Labo ruux halka dhaawacu yahay Labo kale.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Burjada Jiinta oo 5KM dhinaca galbeed ka xigta Baledweyne, halkaasoo ay is-baaro dhigtaan mallayshiyaad hubaysan oo lacago baad ah uga qaada gawaarida ka timaada Muqdishu iyo Gobalka Bakool, sida ay goobjoogayaashu sheegayaan.

Majirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas oo kusoo aaday xilli mallayshiyadaas isu diyaarinayeen inay xirtaan is-baarada ay lacagta baabuurta uga qaadaan.

Dhammaan dadka waxyeelladu soo gaartay ayaa katirsan kooxdaasi oo dhaawacooda lagu dabiibayo cusbitalka guud ee magaalada Baladweyne.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka magaalada iyo kan gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM