28 Qof oo ku geeryooday doon la qalibantay iyaga oo ka cararaya ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ku sheegay shir jiraa’id in 28 qof ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii Kooxda ‘AS’ ay u diideen meel ay ka baxaan.

Doontan ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah oo doonayey inay naftooda badbaadiyaan balse ugu dambeyn doontii ay la qalibantay iyada oo Xubno ka tirsan ‘AS’ ceyrsanyaan sidaasna wabiga ugu geeriyooday.

Roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya, ayaa saameyn ku yeeshay In ka badan labo milyan oo ruux, waxaana ku barakacaay illaa sagaal boqol (900) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay gurmadka ay bixisay hey’adda SoDMA isaga oo sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen.

“Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay” ayuu yiri guddoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM